Advertisements

Al-shaabab ayaa sheegatay masuuliyada dilal saacadihi la soo dhaafay ka kala dhacay degmooyinka Hodan iyo Xamar Weyne

73 0

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal saacadihii aynu soo dhaafnay ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay fiidkii waxa ay Xaafadda Albaraka Degmadda Hodan ay ku dileen Wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu sheegay Xasan Cusmaan.

Qaar kamid ah Eheladiisa ayaa sheegay in Xasan uu la shaqeynayay Hay’add la yiraahdo Warda oo ka shaqeysa arrimaha samafalka,balse shabaab waxa ay sheegeen in Xasan uu ahaa saraakiisha dhar cadda sirdoonka dowladda Federaalka islamarkaana.

Dhanka kale Shabaab waxa ay sheegteen dil barqanimadii maanta ka dhacay Suuqa Degmadda Xamar weyne ee Gobolka banaadir,kaasi oo loo geystay nin odey ahaa oo dharka Huudheyda ku gadi jirey Suuqa Degmadaas.

Qoraal kasoo baxay Shabaab ayay ku sheegeen in ninka  la dilay lagu magacaabi jirey C/qaadir Colaad,islamarkaana uu kamid ahaa Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hay’adaha amaankaDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wax war ah kasoo saarin dilalka saacadihii aynu soo dhaafnay ka dhacay magaaladda Muqdisho, oo ay geysteen Shabaab.

Jinaay.com

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: