Advertisements

Al-shabaab oo gobalka shabeelada dhexe dab ku qabadsiiyay gaadiid dhuxul siday

84 0

Wararka ay Jinaay Media ka heleeyso Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab ay gubeen Gaadiid dhuxul u soo siday Magaalada Muqdisho.

Gaadiidkan ayaa labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa lagu gubay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, waxaa la sheegay in ay gaarayaan ilaa Saddex gaari,kuwaas oo dhuxul u soo siday Magalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa Jinaay Media u sheegay in gaadiidkan lagu gubay duleedka Balcad ee Gobalka shabeellada dhexe.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobalka Shabeellada Dhexe.

Arrintan ayaa waxaa ay Ku soo beegmaysa, xilli Al-shabaab dhawaam ay gaadiid Ku gubeen wadada isku xirta Degmooyinka Afgooye iyo Wanla weyn ee Gobalka Shabeellada Hoose.

Jinaay.com

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: