Advertisements

Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday deegaanka Buula Mareer

95 0

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Kooxda Shabaab ay xalay weerartay Saldhigyo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Buula-Mareer.

Labada dhinac ayaa dhex maray dagaal muddo socday oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ciidamada dowladda iyo AMISOM dib u caabiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan si rasmi loo ogeyn.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa iska difaacay weeraro dhowr jiho ahaa oo Shabaabka soo qaadeen tiro dhowr jeer oo dib loo celiyay.

Ciidamada isbaheysanayay ayaa saaka howlallo ka wada xaafada deegaanka Buula-Mareer ee degmada Kuntuwaareey, halkaasoo ay ka baadi goobayaan Kooxdii weerarka soo qaaday, waxaana howlgalka lagu qabtay dhalinyaro fara badan.

Shabaab ayaa inta badan weearo ku qaada Saldhigyada Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee Sh/Hoose, iyadoo dagaalka mararka qaar uu khasaare gaarsiiyo dadka Shacabka ah oo rasaasta guryohood ugu tagto.

Jinaay.com

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: