Advertisements

Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday deegaanka Buulo Mareer

111 0

Dagaal xoogan  ayaa xalay waxaa uu ka dhacay deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellada hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyay Ciidamada xoogga iyo  kuwa AMISOM oo dhinaca ah iyo dagaalyahano ka tirsan  ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab xalay weerareen Saldhigyo Ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah qaatay.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobalka shabeelaha Hoose.

Jinaay.com

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: