Advertisements

Al-shabab oo xalay weerar ku qaaday saldhigyo ay ciidamada doowlada ku leeyihiin degmada Qoryoleey

50 0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay duleedka degmada Qoryooyle ee gobolka Sh/ Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen saldhigyo Ciidamada dowladda ay kuy leeyihiin inta u dhexeysa deegaanada Kabtan Laas iyo Gaaywarow ee gobolkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Xaaladda ayaa saaka dagan, mana jiro jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha Ciidamada doowlda federalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee gobolka Shabeelada Hoose.

Jinaay.com

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: