Advertisements

Ciidamo Taabacsan Yuusuf Dabageed oo Weeraray Gudoomiye Taakow

65 0

Wararka ka imaanaya Magaaladda gobalka Hiiraan gaar ahaan magaalo madaxdiisa Baladweey ayaa sheegaya in Ciidamo taabacsan Gudoomiyaha Gobolkaas Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), ay xalay weerar ku qaadeen hoyga  Gudoomiyaha dhinaca Amniga C/raxiin Maxamed Taakow.

Dad goobjoogayaal ah ay Jinaay Media u xaqiijiyay  in rasaas fara badan laga maqlay hoyga Gudoomiyaha oo ay isweedaarsanayaeen Ciidamo ilaalo u ahaa iyo Ciidamadda weerarka soo qaaday kuwa lagu soo qaaday.

Waxa uu sheegay in khasaaraha ka dhashay weerarka aan ilaa haatan aan la Ogaan karin sababo la xiriira weerarka oo dhacay xili habeen.

Dhanka kale xiisadd ka dhalatay arintaan ayaa saakay ka taagan Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan,waxaana socda dadaalo ku aadan sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira labada masuul.

Jinaay Media

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: