Advertisements

Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed ee dhawaan la magacaabay ayaa maanta lagu wada in la horgeeyo Baarlamaanka

74 0

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu horgeeyo xildhibaannada Baarlamaanka Golahiisa Wasiirradda ee uu dhawaan ku dhawaaqay.

Kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa furmay Isniintii la soo dhaafay, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye uu xildhibaanada ku war-geliyey in maanta oo Arbaco ah la horkeeni doono Golaha Wasiirada cusub si ay u ansixiyaan.

Baydhabo waxaa ka soconaya diyaar-garoowga furitaanka kulanka Baarlamaanka Koonfur Galbeed si loo horgeeyo Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulkaas.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Golihiisa Wasiirada ay noqon doonaan kuwo u adeega Shacabka, isla markaana meel iska dhiga danaha gaarka ah,waxaana xildhibaanada uu ka codsaday inay ansixiyaan.

Jinaay.com

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: