Advertisements

Hal quurx ayaa ku geeriyooday qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay Muqdisho

62 0

Inta la xaqijiyay hal ruux oo ahaa wadihii gaariga ayaa ku dhintay kadib qarax lagu xiray gaari oo ka dhacay laami yaraha degamada Wadaijr gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano laami yaraha Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigaan oo ah nooca xabadda aysan karin, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu leeyahay mid ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Federalka Somaliya ka tirsan.

Lama oga meesha qaraxa looga soo xiray gaarigaan, balse Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegaya inay wadaan baaritaanka ku aadan qaraxaasi.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Booliska oo maydka marxuumka dhintay meesha ka qaaday.

Dhinaca kale qarax ayaa Ciidamo ka tirsan AMISOM lagula eegtay agagaarka Isgoyska Ex Koontarool Balcad ee degmada Huriwaa.

Dhinaca kale qarax ayaa Ciidamo ka tirsan AMISOM lagula eegtay agagaarka Isgoyska Ex Koontarool Balcad ee degmada Huriwaa.

Jinaay.com

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: