Advertisements

Isku dhac labo ciidan oo ka wada tirsan Al-shabaab oo ka dhacey Tuulada Qasax Oomane.

137 0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Berdaale ee Gobolka Bay ayaa waxaa ay sheegayaan in isku dhac u dhexeeya labo ciidan oo ka wada tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Tuulada Qasax Oomane oo ka tirsan Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Isku dhacaas oo ay ku dhinteen ilaa 16 sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab, halka ay tubaneeyo kalene ku dhaawacmeen ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku yimid muran ka dhashey Canshuurta ay ka qaadaan dadweynaha Deegaankaas iyo Safareyda u kala goosha Gobollada Dalka ee soo mara Tuuladaaas.

Goobjoogayaal la Hadley Shabakada Jinaay ayaa waxay xaqiijiyeen Geerada iyo dhawaca ayagoo intaa ku darey in muranka canshuurtu uu u muuqda in Al-shabaabta Gedo ay aaminsan tahay in Canshuurtaas ay leedahay Gobolka Gedo, Halka Al-shabaabta kalena ay aaminsan tahay in Canshuurtaa laga Qaadaayo Deegaankooda sidaa darteedna ay iyagu xaq u leeyihiin in Qadaan iyo iney Maamulaamba.

Wararkii ugu danbeeyey ee ka imaanaya Degaanada Berdaale ayaa sheegaya in weli ay xaaladdu kacsan tahay oo la isu ciidamo uruursanayaao iyo in weli aaney jirin wax soo dhex galey oo qaboojinaaya xaaladda, waxayna u muuqataa in murankaas canshuurtu uu socdey muddo badan oo la xalin waayey sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Si kastaba ha ahaatee, isku dhacan ku timid muran la xiriira canshuur, waa kii ugu horeeyey oo soo if baxa intii ay Al-shabaab jirtey, wallow ay jireen muranno badan marka la eego Al-shabaab dhexdeeda hase yeeshee si hoos ah ayey u xalin jireen wixii dhexdooda ah.

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: