Advertisements

Maamul gobaleedka Galmudug oo sharuud ku xirtay heshiis ay la gasho Dowladda Federalka ee Soomaaliya

115 0

Hogaanka Maamulka Galmudug ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo saacado badan qaatay oo ay la yeeshayn Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, kulamadaas oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in kulan mira dhalkiisa rajo wanaagsan ay ka qabaan hogaanka Galmudug in ay la qaatayn Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya islamarkaana ay u gudbiyeen tabashooyinka ay qabaan.

Madaxda Galmudug ayaa sheegay in wasiirka Arimaha Guduha Soomaaliya ay ku wargeliyeen in marka hore cunaqabataynta laga qaado oo loo fasaxo lacagta ay ka xayirtay DF-ka Soomaaliya, wixii markaas ka dambeeya ay wadahadal ay la geli doonaan madaxda Dowladda Soomaaliya.

Jinaay.com

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: