Advertisements

Maamul gobaleedka Puntland oo sheegtay in biyo dhaamin u sameeynayan deegaanada ay abaarta saameeysay

53 0

Cali Xassan Axmed (Sabareey) Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland ayaa sheegay in golaha wasiirada maamulka Puntland ay  ku dhawaaqeen  in  200 oo booyado biya ugu deeqeen Shacabka ku nool degaanno ka tirsan Puntland oo abaar iyo biya la’aan daran ka jirto, inkastoo aysan magacaabin deegaannadaasi.

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland ayaa sheegay in xukuumaddu ay 200 oo booyado biyaa ugu deeqday degaanno ka tirsan Puntland oo abaar iyo biya la’aan darani ka jirto.

Sidoo kale Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in guddiga abaaraha Puntland oo uu guddoomiye u yahay maadxweyne ku xigeenka loo xil saaray in ay booyadaha biyaha gaarsiiyan meelaha loogu tala galay ee abaartu sida ba’an u saamaysay.

Jinaay.com

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: