Advertisements

Qarax lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo sababay Khasaaro

51 0

Kolonyo ka tirsan ciidamada itoobiya ayaa saakay waxaa qarax lagula eegteen degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada Itoobiya lagula beegsaday gudaha Degmada Baardheere, xilli ay socdaal ku marayeen degmadaasi.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmada Baardheere ayaa Jinaay Media u sheegay in dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxa ka dhacay degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa ka dhacay degmada Baardheere.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa inta badan qarax waxaa lagula eegtaa degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Jinaay Media

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: