Advertisements

Qarax lala beegsadey Suuqa Degmada Qasaxdheere ee Gobolka Bay

52 0

Wararka naga soo gaaraaya Magaalada Qasaxdheere oo ka tirsan Gobolka Bay ee Maamul Goboleedka Koonfurgalbeed ayaa wuxuu sheegayaa in Suuqa Deqmada Qasaxdheere lagu qarxiyey waxyaabaha qarxa maata saacadu markey ahayd 12.30 ee duhurnimo, kaasoo suuqa la dhigey inta aan Suuqu furmin. Qaraxaas oo ay ku dhinteen Hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda, Halka tobaneeyo shacab ahna uu dhaawacyo ka duwan ay ka soo gaareen qaraxaas.

Goobjoogayaal ku sugnaa suuqa ayaa u xaqiijiyey Jinaay Media qaraxaan iyo khasaarooyinka uu geestey, wuxuuna intaa ku darey in Qaraxa la dhigey Suuqa mar hore, ka dibna la qarxiyey ayadoo la isticmaaleey remuuud ama telephon sida laga soo xigtey dad qibrad u leh wax yaabaha qarxa oo ka tirsan ciidanka booliska degmada Qasaxdheere.

Sikastaba ha ahaatee, Degmada Qasaxdheere ayey waxay go’doonsan tahay muddo ka badan afar sano oo ay go’doomiyeed ciidamada Xarakada Shabaab oo dhan kastaba ka xirey wadooyinka soo gala degmada Qasandheere, taasoo dhiibaatooyin badan ku haysa Dadweynaha ku nool Degmada Qasaxdheere.

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: