Advertisements

Taliyaha Nabadd Sugidda Iyo Gudoomiyaha Balcad oo Dagaalamay

84 0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Taliyaha Nabad Sugidda iyo Gudoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sida ay Jinaay Media u xaqiijiyeen dad ku sugan Degmadda, Labadda Mas’uul ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhaxeeyay khilaaf waxayna taasi keentay in xalay ay ku dagaalamaan Gudaha Degmadda Balcad.

Ciidamo kala taabacsan labadda dhinac  oo xalay ku dagaalamay gudaha Degmadda balcad ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dhawaqa rasaasta laga maqlayay deegaano ka agdhow degmadda.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Degmadda balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe,waxaana sidoo kale jirin mas’uul ka hadlay.

Jinaay Media

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: