Advertisements

Wadamada muslimiinta oo loogu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada lagu hayo muslimiinta Uighur

53 0

Xubno iyo saraakiil muslimiin ah oo booqday qowmiyada Uighur oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Shiinaha ayaa ka codsaday wadamada muslimiinta in ay qeyb ka qaataan dhibaatada ka taagan gobolka Xinjiang.

Waxay ugu baaqeen in laga qeyb qaato heyb sooca iyo dhibaatada lagu hayo ee ka dhanka ah muslimiinta cadaadis na ay saaraan dowlada Shiinaha.

Sida laga soo xigtay qaramada midoobay in ka badan hal Million oo u dhashay Uighur iyo muslimiin kale oo ku nool shiinaha ayaa lagu hayaa xarumo ay dowlada Shiinaha ku ooday.

Xukuumada Beijing ayaa diiday marar badan baaqyo loo jeediyay oo ahaa in ay ooda ka qaado maxaabiista ugu xiran xarumaha Gaar-ka ah.

Kadib booqasho ay magaalada Dooxa ku tageen hogaamiye yaal dhanka diinta oo ka socda muslimiinta Turkiga ayaa ku eedeyay dowlada Shiinaha in ay wado cadaadis iyo isir sifeyn ka dhan ah Muslimiinta.

Jinaay.com

Advertisements

Related Post

Leave a Reply

%d bloggers like this: